WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Nanadoon Caan ah oo…

Gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Somalia ayaa goor dhow lagu qarxiyey degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Muxyadiin Xassan Afrax oo sidoo kale ka tirsan ururada bulshada rayidka ayaa la sheegay in gaarigiisa ay la kacday miino la dhigay meel ku dhow xarunta Maamulka degmada Kaaraan.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ilaaladiisa uu ku dhintay qaraxaas, halka labo kale ay ku dhaawacmeen. Ex-Xildhibaan Muxyadiin Xassan Afrax ayaa la sheegay inuusan la socon gaariga xili uu qaraxa qabsanayey sida wararky ay nagu soo gaarayaan.

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska  ayaa goobta wax yar ka dib qaraxa sida caadadu aheyd, waxayna halkaas ka wadaan baaritaano kala duwan, wallow markii goobta isaga tageen.

Dhinaca kale, Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax kale uu goor dhow oo barqadii ah ka dhacay degaanka Km13 oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, welina lama oga cida lala beegsaday qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.

SOMALI NEWS

To Top