WARARKA SOOMAALI

Daacish-ta Soomaaliya oo laba garab u kala jabtay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa dagaal-yahanada Daacish ay ka taagan tahay buuraleyda Cal Miskaad ee gobolkaasi, ka dib dagaal Axadii ku dhexmaray halkaasi.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in saddex nin oo Daacish ka tirsanaa ay ku dhinteen dagaalkii dhacay, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Xiisadda ka taagan Cal Miskaad ayaa salka ku haysa cidda bedelaysa hoggaamiyaha kooxda, Cabdulqaadir Muumin Cali oo la il-daran xanuunka sokorowga/macaanka.

Dadka ku nool deegaanka Dhaadaar ee Degmada Qandala ayaa ku sheegaya in xiisadaasi u dhaxeysa Daacish laga dareemay tuulooyinka ku dhow dhow.

Daacishta Somaliya oo ah garab ka jabay Ururka Al Shabaab ayaa  bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Gobolka Bari.

SOMALI NEWS

To Top