WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Ciyaartooyda K/Galbeed

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerar Shalay lagu qaaday Gaari Bas ah oo ay la socdeen Ciyaartooyda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib ciyaartii ay foodda is dareen ee gobolka banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ka hadlay falkaas isaga oo ku tilmaamay fal ka baxsan taageeranimada, isla markaana maamulka Gobolka Banaadir uu cudur-daar ka bixinayo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in uu cudur-daar ka siinayo weerarka lagu qaaday Baska ay saarnaayeen Cayaartooyada oo uu ku tilmaamay in ay geysteen dad wax magarata ah isada uu hadalka u dhigay.

Taageerayaal la sheegay in ay yihiin kuwa maamulka Gobolka Banaadir ayaa Dhagaxyo ku weeraray Baska ay saarnaayeen Ciyaartoyda Koonfur Galbeed, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 6-Ciyaartooy oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho si loo dabiibo.

Falkaan ayaa noqonayo kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo ay ku kacaan Taageerayaal tan iyo intii uu soo bilowday Tartanka maamul Gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir oo hadda soo gaaray Fiinaal.

SOMALI NEWS

To Top