WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo beenisay War laga faafiyey Ra’iiusl Wasaare Rooble

Xukuumada Soomaaliya ayaa beenisay warqad saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayay baraha bulshada oo lagu sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Warqadan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ka codsaday bangiga dhaxe in lagu soo wareejiyo lacag ka badan 9-Milyan Dollar oo ka timid Imaaraadka kuna jirta khasnada dowladda.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimoo ayaa been abuur ku tilmaamay warqadan lagu faafiyay baraha bulshada, waxa uuna sheegay in warqadan tahay mid lagu jahwareerimnayo shacabka Soomaaliyeed.

”Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh.” ayuu yiri Macalimii.

SOMALI NEWS

To Top