WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-shabaab oo Qaraxyo ku burburiyey Garoon diyaaradeed ku yaal Hiiraan

Wararka aan ka heleyno degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha Magaaladaas lagu burburay Qaraxyo miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog.

Al-shabaab ayaa habeenkii aheyd la sheegay inay miinooyin qaraxyo ah ku xir xireen dhismayaasha Garoonka diyaaradaha Buulo-burte ee Hiiraan oo qarxiyeen, isla markaana gebi ahaan uu burbur xoogan soo gaaray Garoonka.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in saqdii dhexe ee xalay ay maqlayeen jugta qaraxyo dhacaya iyo rasaas goos-goos ah, hayeeshee waaberigii hore ee saakay la arkay dhismayaasha Garoonka oo la qaraxyo lagu burburiyey.

Sawirro laga soo qaaday dhimashayaashii ku yaallay Garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa muujinaya burburka xoogan ee gaaray, waxaana dhulka la dhigay derbiyadii Garoonka, howlkii loogu tala-galay inay dadka ku sugnaa diyaaradda iyo goobo kale.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top