WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda Cakiran ee dalka Baaqna diray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo khilaafka xoogan ee u dhexeeya Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad hubinti la’aan ah iyo mid khal-khal amni ah, hayeeshee looga baxay dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen dad uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu Xasan Sheekh ku boggaadiyay Rooble dadaaladii uu ku wajahay xakameynta xaaladihii lasoo maray, isagoona sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku guuleystay inuu ka hortego in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu dhiig ku daato bishii April 2021.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la garab istaago Maxamed Xuseen Rooble, si looga baxo jahwareerka taagan, wuxuuna Madaxda dowlad Goboleedyada ka dalbaday inay dardar-geliyaan arrimaha doorashada oo aysan u istaagi khilaafka jira.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay in aysan qorshaha ugu jirin  wax doorasho ah, isla markaana aan lagu qanci karin waxa uu wado.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top