WARARKA SOOMAALI

Puntland oo sheegtay inay xalineyso khilaafka Madaxweyne iyo RW Rooble

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) sheegay in khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble uu salka ku haayo Dastuur jabin, hor Usocod la’aan Doorasho  iyo Khilaaf soo jiitama oo soo laab laabtay.

Waxaa uu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed ee dhaca lagu xaliyo Caasimadda Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe haatana uu rajeeynayo in lagu dhameeyo khilaafkaas.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu sheegay inay soo dhaweeynayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ku shiraya Magaalada Garoowe, isaga oo cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay doorasho.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha dowladda ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Maxamed Xuseen Roiblr ayaa xoogeystay, iyada oo dhawaan dhex-dhexaadin ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed ay fashilmeen.

SOMALI NEWS

To Top