WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Somaliland

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil gaari oo xalay ka dhacay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, kadib markii gaari nooca raaxada ah uu ku fariin goostay Maqaayad ku taalla Magaaladaas.

Darawalka waday gaariga oo xawaare sare ku socday ayaa lugta la waayay bareega, isla markaana xakameyn waayay gaarigaas, sidaasina uu ku galay Maqaayad ay dad badan ku caweyaan, xiliga habeenkii ah oo ku taalla laamiga dhinaciisa.

Dad goobjoogayaal ayaa soo weriyay in gaariga uu dulmaray laba wiil oo dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Maqaayada, isla markaana waxaa soo gaaray raggaas dhaawacyo culus, iyagoona loola cararay Isbitaalka Magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa durbo goobta uu shilka ka dhacay gaaray, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in la xiray darawalkii waday gaariga fariin goostay.

SOMALI NEWS

To Top