WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dagaal iyo Fowdo ka dhacday Doorashada ka socotay Jowhar

Waxaa goordhow fowdo iyo buuq ay harreeysay doorashada kursigii labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Caawa ka socotay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Wareegii koowaad ee doorashada ayaa lasoo gaba-gabeeyay, isla markaana waxaa socotay tirinta codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka, hayeeshee mar qura ayaa howlka ay ka socotay doorashada ka bilaabatay fowdo iyo buuq.

Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa la arkayay iyaga dood ka qaba qaabkii ay u dhacday doorashada kursiga labaad ee Caawa, waxaana hawada laga saaray dhammaan telefashinadii tooska u soo tebinayay doorashada ka socotay Magaalada Jowhar.

Sidoo kale markii ay xaalada xumaatay oo gacan ka hadal gaartay arrinta ayaa waxaa la maqlayey Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan oo laamaha amniga ka dalbanayay inay howlka ka saaran Xildhibaanada fowdada waday.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

SOMALI NEWS

To Top