WARARKA SOOMAALI

Xubno ka tirsan maamulka Jubbaland oo Columbus lagu soo dhaweeyay SAWIRO

Xubnahaan oo isugu jira wasiiro,xildhibaano iyo odayaasha deegaanada jubbaland oo dhawaanahan ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Columbus,ayadoo ay soo dhaweyntooda ka qeyb galeen dhamaan jaaliyada soomaalida gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Jubooyinka.

Xaflada soo dhaweynta wafdiga oo uu hogaaminayo wasiirka qorsheynta maamulka Jubbaland oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay isugu jirtay qeybo kala duwan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay culumaa’udiin,aqoonyahano,waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka.

Inkasta oo dadkii ka hadlay xaflada ay aad u badnaayeen hadana waxaa ay ka sinaayeen sida ay lama huraan u tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka isla markaana loo baahan yahay in si wada jir loola shaqeeyo maamulka si barwaaqo iyo nabad loo gaaro.

Kadib warbixino kooban oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee uu dalku ku sugan yahay oo ay soo jeediyeen xubnaha wafdiga ayuu wasiirka qorsheynta Jubbaland u soo jeediyay ka soo qeyb galayaashii xaflada in looga baahan yahay in ay maalgashi ku sameystaan dhulkooda.

Waxaa uu soo bandhigay qorsheyaal horumarineed oo uu maamulka Jubbaland uu ka wado deegaanada jubooyinka waxaase uu xusay in dhinaca jaaliyada looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismayaasha goobo muhiim u ah bulshada ayna dhaqaale ku tabarucaan,taasna waxaa ay dhalisay in isla goobta lagu aruuriyo ku dhawaad 40,000$ (afartan Kun oo dolar).

Dhalinyaro ka soo socdaashay gobolka Pennsyvania,ayaa waxaa ay goobta ka sheegeen in ay ka gobol ahaan ay bixinayaan lacag dhan 10,000$ (Toban Kun) oo dolar si ay uga qeyb galaan horumarinta deegaanada ay ka soo jeedaan.

Wafdigaan oo mudo todobaad ah ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa ujeedada socdaalkooda waqooyiga Ameerika waxaa ay ku sheegeen in muhiimadiisu ay tahay sidii ay jaalidayaha ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka uga dhaahicin lahaayeen sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarinta Dalka.

SOMALI NEWS

To Top