WARARKA SOOMAALI

Madaxda maamulada Gobolada oo hadalo ka soo jeediyey shirka Kismayo-SAWIRO.

Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Maamul goboleedyada ayaa caawa ka furmay guriga Martida ee magaalada Kismaayo, iyadoo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay furitaanka shirka ka jeediyeen khudbado.

Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isugu baheysanayaan dowladda Federaalka, isla markaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa, kadibna talo loo dhanyahay Dowlada dhexe loola tagi lahaaa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada iyo dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay u hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, isla markaana laga shaqeeyo Midnimada.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka go’naato mowqif ay ku mideysan yihiin inay shirkan ka soo saaraan, waxaana uu meesha ka saaray in waxyaabo looga soo horjeedo laga soo saarayo.

C/wali Gaas ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada, waxaana uu tilmaamay in ujeedku ay aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala dambeyn la’aan, balse ay ku xoojinayaan dowlad wanaaga Soomaaliya.

Shirka oo caawa la soo gaba gabeeyay wajigiisa koowaad, waxaa la filayaa in maalinta berri la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.

SOMALI NEWS

To Top