WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo sheegay in Ciidamadda NISA Dowladdu usoo adeegsatay in ay soo qabtaan-Video

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay ka hadlayay shirka wadatashiga ee Maamul goboleedyada uga furmay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu ka badbaaday inqilaab dhicisoobay.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in loo adeegsaday ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida inay soo qabtaan, balse uu ka badbaaday.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida ayaa la isoo adeegsaday inay isoo qabtaan, laakiin waa ka badbaaday inqilaab dhicisoobay ayuu ahaa, waana nasiib darro”ayuu yiri Axmed Xaaf

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamuladii la dhisay in la dumiyo, isla markaana la carqaladeeyo, isagoo ku baaqay in wixii dan u ah shacabka laga shaqeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Mr Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay ka shaqeyso xasiloonida siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.

Shirka Kismaayo uga socday madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.

SOMALI NEWS

To Top