WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra’iisul Khayre oo Khudbad Taabanaysa Damiirka Qof kasta oo Somaaliyeed ka jeediyay Munaasibaddii Taakuleynta Ciidamadda-Video

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalayka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay wixii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sheegay inay diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaarsiin karaan kaalmada ay ugu tala galeen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaa uu baaq ku aaddan inay ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Sidoo kale Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

SOMALI NEWS

To Top