WARARKA SOOMAALI

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka iyo Saraakiil sare oo uu Hogaaminayo oo gaadhay Deegaanka Bariire..

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jicmaale (Cirfiid) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo todobaad ka hor saldhig ay ciidamada ku lahaayeen ay weerareen Al-Shabaab.

Jen. Cirfiid ayaa markii uu gaaray Bariire waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaankaas iyo ciidamadii la dagaalamay Al-Shabaab.

Taliyaha oo la hadlayay Ciidamada ayaa sheegay in loo baahan yahay in Al-Shabaab loogu tago meelaha ay joogaan, isla markaana lagu qaado dagaal saf ballaaran ah oo dalka oo dhan looga saarayo.

“Halkan la iskama fadhin doono, waxaa la qaadi doonaan howl gal saf ballaaran oo dalka looga saarayo kooxaha Nabad diidka”ayuu yiri Jen, Cirfiid.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore weeraro is qarxin iyo mid toos ku qaadan deegaanka Bariire oo bil ka hor ay la wareegeen ciidamada dowladda, waxaana deegaanka uu yahay mid wali xaalad dagaal ku jira,

SOMALI NEWS

To Top