WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe oo Shirka Kismaayo ka jeediyay Khudbad Cabdiweli Gaas iyo Xaaf dhibsadeen“Dowladda dhexe ayaa masuul ah guud ahaan Somalia,,-Video

Shir lagu dhex dhexaadinayo madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa xalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana wajiga koowaad ee shirka ka qeyb galay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada , sida Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland oo marti galisay Shirkaasi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo khubad dheer ka jeediyay madasha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana lagu xalinayo khilaafka haatan soo kala dhex galay madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay masuul ka tahay guud ahaan dalka, muhiimna ay tahay in talada iyo maamulka looga dambeeyo.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa tilmaamay in shirkan wax dan ah maamulkiisa uusan ka lahayn, islamarkaana uu yahay mid lagu dhameynayo khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa isa soo tarayay khilaafyo Siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda Qaranka iyo maamul Goboleedyada, kaasi oo yimid, kadib markii maamullada qaar ay dhinac mareen go’aankii ay dowladda dhexe ka qaadatay khilaafka Wadamada Khaliijka.

SOMALI NEWS

To Top