WARARKA SOOMAALI

Daawo:Khudbadii Cabdiweli Gaas ee Shirka Maamul Gobaleedyadda uga socda Kismaayo iyo eedo oo dusha ka saaray Dowladda dhexe-Video

Maadaxweynaha Maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey gaaray Kismaayo ayaa Xalay uga qayb galay furitaanka shirka wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya.

Cabdiweli ayaa waxaa furitaanka shirkani kala qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin isugu jirey Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo sidoo kale Xildhibaano kasocda Baarlamaanka DFS.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo khudbad  ka jeediyey furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkani yahay mid dastuuriya oo ay ahayd marhore in laysu yimaado, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in aanay wax cusub ahayn in dawlalddaha xubnaha ka ah dawladda fadaraalka Soomaaliya ay isu yimaadaan oo ay ka tashtaan masiirkooda iyo kan ummadda Soomaaliyeedba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay in taas uu ogolaanayo fadaraalisamku ayna tahay wax sharciya oo sax ah.

“Runtii waa nasiib daro inaan u raadino sababayn in laysu yimaado oo dawladdaha xubnaha ka ah DFS isu yimaadaan, inaan isu nimaadnaa waa dastuuri oo dastuurkay ku qoran tahay, meel-kasta oo aduunka Fadaraalisam ka jiraana waxa ay leeyihiin dawladdaha ka jira dalalkaasi kulamo ay ku midoobaan oo ay isugu yimaadaan, wax qariiba ma aha dawladdaha xubnaha ka ah DFS marka laga eego waajibaadka awood qaybsiga, masuuliyad qaybsiga ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas  ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si sax ah loo dhaqan geliyo xeerarka fadaraalisam ka madaama uu dalka ka jiro Fadaraalisamku, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in ay laga maarmaan tahay in laga tashto wax walba oo qaldan haka qal danaadeen DFS ama dawalddaha xubnaha ka ah DFS.

“Sharciga maanta uu dalku ku jiraa ee dastuurka ahi waa Fadaraliisam, waxaan rabnaa waxa nooqoran ee dastuurka noogu qoran in sidii dhabta ahayd loo dhaqangeliyo, waxa jira oo noo qoran iyo mararka qaar-kood waxa ka socda dawladda dhexe runtii wax isle ma aha, in badan waxaan afka ka sheeganeyney inaan fadaraal nahay, laakiin marka la eego sida hab dhaqanku yahay waxa ay keenaysaa in laysu yimaado oo layiraahdo waxa qaldan waxa ay u baahan yihiin saxitaan” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Anaga haddii wax dhiba oo dhankayaga ahi ay jiraan waxaa wacan in laga wada hadlo oo naloo sheego, anana waxa aan hiig-sanayno ama waxa noola muuqda in aanay saxa ahayn iyo nidaamka dawliga ah ee lagu heshiiyey inaysan ahayd in lasysu yimaddo oo laga wada hadlaayi mushkilad ma ah” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa dhankooda si isku mid ah u sheegay in shirkani lagaga arrinsan doono arrimo khuseeya horumarka, masiirka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aanu lid ku ahayn dawladda fadaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey masuuliyiinta shirka kala qayb geleysey in loo baahan yahay haddii laysu yimi in shirka laga soo saro qodobo is afgarad, kuwaas oo ku salaysan xaqiiqda, isla markaana loo wada hadlo si dhaba oo diiradda lagu saarayo waaqiciga maanta Soomaaliya ka taagan iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top