WARARKA SOOMAALI

Xubin ka tirsanaa Ergadii Somalia ku metelaysay Dacwada Badda oo geeriyooday

Waxaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Allaha u naxariisto Eng. Max’ed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa udub dhexaadkii Kiiskii Dacwadda Badda Somalia ee Kenya sheeganeyso, kaasoo yaalla Maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

Eng. Max’ed Cumar Saalixi oo sidoo kale ahaa la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Badda ayaa waqti badan ku bixiyay Kiiskan, isagoo ahaa Hormuudkii Kooxdii Soomaaliya u mataleysay Kiiska dacwadda Badda illaa markii la bilaabay.

2009 Ilaa Maanta uu geeriyooday waxaa uu ahaa ninka keliya ee Soomaaliga ah ee gacanta ku hayey, soona aruuriyey Dokumentiyada, khariidadaha, xeerarka iyo doodaha kala duwan ee kiiska badda.

Eng. Maxamed Cumar Saalixi waxaa ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo 1952-dii, aabihii waxaa uu ka tirsanaa SYL, waxaa uuna qasnaji ka ahaa dowladda hoose.

Eng. Saalixi 1958 ilaa 1964, waxaa uu Luuq ka dhigtay dugsi hoose, 65-68-dii dhexe magaalada Baydhabo halka sare uu ka dhameeyey dugsiga sare ee Banaadir isagoo ka mid ahaa 5-ta ugu sareysa, taas oo dhaxalsiisay inuu deeq waxbarasho u aado dalka Poland.

SOMALI NEWS

To Top