WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Hay’adda NISA oo shaacisay in Ikraan Tahliil la dilay, kadib markii…

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xaqiijisay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’addaas la dilay ka dib markii ay u gacan gashay Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA oo ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adda ay warbixin ku heshay in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay inay ku daba jiraan dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, isla markaana sharciga la hor keeni doonaa Insha Allaah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top