WARARKA SOOMAALI

Doorashada Somalia waxa ka hadla laba qollo oo laba isku dhinac yihiin (Qormo)

Siyaasaddu sideedaba waa isku danaysi, sadex qollo waa isku dan, 1. Madaxweyne Farmaajo, R/Wasaarre Rooblle , Qoor Qoor, Lafta Gareen iyo Ali Guudlaawe. Kooxdanni waa isku cimri siyaasadeed, oo hadii Farmaajo la waayo ama uu doorashadda ku adkaan waayo Intakale ee kooxdaas ka mid ah maalmahoodu waa tirsanaan doonaan, hadii farmaajo isagunna ka shaqeyn waayo awoodsiintooda, isaguna maalmihiisu waxay noqon doonaan inta doorashadda ka hadhay.

Waxa kaloo meesha ku jira is barasho dhanka Siyaasadda ah ee daacad in la isku ahaado{ Political Loyalty}. Aduunka siyaasiga guulaystaa waa ninka raggiisa iyo kooxdiisa ay bahwadaagta yihiin ku dul dhinta, dhaawacooda jiita, ka dhinta Aasta, ka la jabiyana la soo jabhadeeya. Qofka dabba martaynta, lacag raadsashadda, iyo dhabarjabinta ku suntanaadda waa ruuxa hadhawto noqda gooni socod, qof ama siyaasi danbe oo amaaniyaana ma jiro, waxana loo arkayaa ruux siyaasadda u fahmay beeso aruursasho iyo khiyaanno.

Siyaasaddu maaha munaafaqad iska horkeen iyo isku hirgeyn koox halka doon wada saaran.

Deni iyo Madoobe, iyagunnu waa isku naakhuude, mideynta cududooda codeed iyo siyaasadeed ee iyagoo laba kaliya ah ay u arkaan inay ku soo meelmareen waa ku khasban yihiin inay sii hulaabnaadaan, inkastoo dad badan ay aamisan yihiin inaysan labadoodu qiyam iyo daacadnimo siyaasadeed{ Valua and Political loyalty}, aysan ku wada socon, hadanna waxa la isku raacsan yahay inaan midkoodna lacag dhaafsan doonin waxa uu aamisan yahay, balse siyaasad iyo cimri dheeraysi, ilaa xad oo mid kood ugu yaraan doonayo madaxweynenimo ay ku adkaysan doonaan. Labadan kooxood isku dar waa dadka midida daabkeeda haya ee go’aan sameeyayaasha siyaasadeed ee Somaaliya ah{ Somali political decision makers} Ama si kale waa ficil sameeyayaal {Actionar group}

Siyaasaddu maaha laba xafiis oo la iska horkeenno, dhamaan Odorosayaashuna waa daawanayaan, waana falaqayn doonna.

Kooxda u danbeysa waa waa ficil celiyayaal, maaha ficil sameeyayaal, meella waxba uma yaalaan waanna muwaadiniinta xilka u sharaxan ee midowga siyaasiyiinta,{ Reactionary}.

Waxii soo baxa kaliya ayeey wax ka dhahaan, tallona kuma laha siyaasadda, khiyaanno siyaasadeedna waa lagu sameeyey oo Deni ayaa dhabarka ka jabiyey, walow dad xog ogaal ahi sheegayaan in Deni uusan weligiisba dhihin anigu Musharax ma’ihi, sidoo kalena uu ka Aarsanayey Madaxweynihii hore Xasan Sh Maxamuud oo la sheegay in wakhtigii la ridayey Abdiweli Sh Ahmed uu ahaa dadkii sida weyn u ololeeyey, loona balan qaaday in isaga booska la siinayo balse nin ay qaraabo yihiin looga bootiyey oo ahaa Cumar Cabdirashid Ali Sharmaarke.

Hadaba koox kale ayaa halkan saameyn ku yaalan karta, waana odorosayaasha siyaasadda sida, Warbahainta qaar, ururada aqoonyahannaddu hormuudka u yihiin ee wax daaraaseeya sida Ma’cadka Heritage ,aqooyahanadda qaar iyo dadka wax qaada dhiga oo sheegi kara ama kala hilaadin kara ruuxa dalka hogaamiye ahaan ku haboon, taasoo la hubo in xildhibaanno badan ay ku jaangoyn karaan halka ay codkooda siinayaan, waase xildhibaanka aan Quduuca ahayn ee tallo doonka ah, dal badbaadiyahana noqon doonna.

W/Q: Suleyman Xaashi

SOMALI NEWS

To Top