WARARKA SOOMAALI

Ciidamo cusub oo tababar soo qaatay oo kusoo laabtay Magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay kasoo degay diyaarad siday ururka 8-Aad ee Kumaandooska GorGor iyo Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya ciidanka Ciidanka Booliska gaarka Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga.

Ciidamada oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiir dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo ay wehliyaan Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si hagar la’aan ah ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Soomaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhismaha Ciidanka iyadoo dhinaca kale gobolada dalka ka wada abaabul dagaal oo dalka looga xoraynayo Argagixisadda Al-shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona tababaro siina Ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan, waxaana sanadkaan gudihiisa dalkaas lagu soo tababaray kumanaan Askari.

SOMALI NEWS

To Top