WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Soomaali Dil & dhaawac loogu geystay Dal ku yaalla Yurub

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Sahal Maxamed Sahal ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dilka loo geystay Muwaadinka kadib ayaa waxaa la dhaawacay laba gabar kale oo Marxuumka isla socdeen, kuwaasi oo haleeshay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana falkaas ka dambeeyay sida loo maleynayo rag saarnaa gaari cad oo goobta ka baxsaday.

Booliska Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaabka uu u dhacay dilka iyo dhaawaca, waxaana Xarun Caafimaad la geeyay labada ruux kale.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dalka Canada ayaa hore loogu diley muwaadiniin asalkoodu Soomaali ah balse haysta dhalashada dalkaasi Canada.

SOMALI NEWS

To Top