WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Fanaan Caan ahaa oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday fanaaniinkii weynaa Allaha u naxariistee Marxuum Max’ed Aadan Shamuuri oo ka tirsanaa hobolada Waaberi.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu mudooyinkan ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa iyo qaar ka mid ah fanaaniinta Waaberi

“Marxuumka ma helin daryeelkii caafimaad ee u baahnaa, dowlad iyo shacabna wey dayaceen, isagoo qaba duruufo nololeed iyo mid caafimaad ayuu xalay geeriyooday” sidas waxaa yiri mid a mid ah fanaaniintii ay soo wada shaqeeyeen marxuumka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Abwaano fanaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan DF ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka, iyagoo sheegay in Marxuum Max’ed Aadan Shamuuri uu ahaa fanaan u soo shaqeeyey Qaranka xili muhiim ah, iyagoo alle uga baryey inuu janadii ka waraabiyo.

SOMALI NEWS

To Top