WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Qoorqoor oo Francisco Madeira kala hadlay amniga Doorashada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo weli ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo Madeira ayaa waxaa looga wada hadlay amniga guud ee deegaanada Maamulka Galmudug iyo sugida amniga doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Maamulkaas.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday sida Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gacan uga geysan karaa howlaha sugidda amniga ee ka socda deegaanada Galmudug, sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira ayaa la tilmaamay in Madaxweyne Qoorqoor u sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya halkaas.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Francisco Madeira ayaa waxaa ku wehlinaayay Taliyaha Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM General Augustine Magnus Kailie.

SOMALI NEWS

To Top