WARARKA SOOMAALI

Hanti dhawrka Qaranka oo Go’aan ka soo saaray bixinta dhulka Tiyaatarka

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa baabi’iyey heshiis Shirad Ganacsi uu Wasirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe uga kireeyay Maqaayad ku taalla dhulka Tiyaatarka Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hantidhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa waxaa lagu sheegay in sida ay Wasaarada Warfaafinta ay u wajahday arrinta Tiyaatarka ay tahay mid aan waafaqsaneyn nidaamka Dowliga ah iyo shuruucda dalka.

Xafiiska Hantidhowrka ayaa Wasaaradda Warfaafinta ku eedeeyay inay si cad ugu xadgudubtay shuruucda dalka, isla markaana Wasiir Cismaan Dubbe uu sifo sharci darro ah u maray maamulka hantida Wasaaradda, sidoo kalena aysan faa’iido iyo dan ugu jirin bahda fanka.

Sidoo kale Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa faray Wasiir Dubbe inuu si deg deg ah u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka, uuna Wasiirka 72 saacadood gudahood ku soo saaro Qoraal lagu joojinayo bixinta dhulka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka

SOMALI NEWS

To Top