WARARKA SOOMAALI

XOG:Xidhiidhkii Maamulka Soomaaliland iyo Al-shabaab oo meel xun gaadhay,Hanjabaada…

Warar si hoose ay u heshay heshay Shabakadda Horufadhimedia ayaa waxay sheegayaan inuu aad u xumaaday xiriirkii ay lahaayeen Al-shabaab iyo sidoo kale maamulka Somaliland, waxaana laga baqayaa in Al-shabaab ay weeraro ka bilaabaan deegaannada Somaliland.

Somailand ayaa joojisay Lacag 1milyan ah oo bil walbo ay siin jireen Al-shabaab, islamarkaana u sheegeen ineysan lacagtaa bixin doonin.

Waxay u raaciyeen in Al-shabaab ay si nabad ah ku deganaayeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland cidna aan la hadli jirin, sidaasi darteed aan la isugu dareen iney nabad ku deganaadaan Somaliland islamarkaana lacag la siiyo bil walbo.

Taasi waxay keentay khilaaf xooggan, Al-shabaab waxay gaareen go’aan degdeg ah, waxayna sheegeen in Labo bil gudahood haddii aanay Somaliland lacagtaasi ku keenin in qaraxyo iyo weeraro kale la kulmi doonaan.

Deegaannada Somaliland waxay Al-shabaab geeyeen ciidamo badan oo dagaallama, kuwo qaraxyo sameeya iyo kuwo kale oo dilalka gaarka ah fuliya.

Somaliland Labo bil oo midi socoto ayeey haystaan, haddii aysan bixinna waxa laga dalbaday waxaa laga yaabaa in nabadda meeshaasi laga sheego isbedasho.

Iyadoo arrintaasi ay jirtay ayaa Somaliland waxay bilowday iney qabqabato xubnaha Al-shabaab ee markii hore ku martigeliyeen magaalada Hargeysa, waxayna middaasi cirka kusii toshay khilaafkii jiray.

Lama oga waxa dambe ee dhici doona, balse waxaa hubaal ah oo xaqiiq ah in hadda uu meel xun gaaray xiriirkii Somaliland iyo Al-shabaab.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top