WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xiisad Dagaal oo ka taagan Muqdisho iyo iska hor imaad ka dhashay arrinta Hub ka dhigista Muqdisho-Video

Warar goor dhow naga soo gaadhaya degmada Wadajir ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu agagaarka Suuqa weyn ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka qeyb qaadnaaya howl galada xasilinta Muqdisho iyo ciidan kale oo hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo watay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay istaajiyeen labo nin oo hubeysan, marayay agagaarka Suuqa weyn, waxaana ay ku amreen inay hubka dhigaan.

Labada nin ee hubeysan ayaa la sheegay inay ka biya diideen amarka, waxaana kaddib dhex martay is rasaaseyn kooban.

Is rasaaseynta ayaa xaalad qal qal ah iyo cabsi  ku abuurtay dadkii ku dhaqnaa suuqa weyn, halkaasoo markii dambe lagu kala cararay.

Lama soo sheegin cid wax ku noqotay iska hor imaadka, waxaana wali ka jirta suuqa weyn ee degmada Wadajir xaalad kacsanaan ah.

Ciidamada ammaanka ee u xil saaran howl galka xasilinta Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah qorigii uu watay ninkii hubeysnaa, halka midka kalena uu baxsaday.

Intaas kaddib ayaa ciidamo deegaanka oo ku soo baxay is rasaaseynta waxay hareereeyeen ciidamadii ammaanka ee watay gaadiidka dagaalka, waxaana muddo labada dhinac oo ay keeb la yuurar ahaayeen, kaddib soo dhex galay saraakiil iyo maamulka degmada oo markii dambe ku amray inay goobta isaga tagaan, sidaasna xiisada lagu dejiyay.

Goob joogayaal ku sugan degmada Wadajir ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa howl galka xasilinta Muqdisho ay soo gaareen degmada Wadajir.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta degmada Wadajir oo ku aadan howl galka ciidamada ka wadaan xaafadahaas, kuwaasoo tan iyo saaka cid kasta oo hubeysan oo wata qori aan sharciyeysneyn ku amrayay inay dhigaan.

Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo saaray go’aano dhinaca ammaanka, iyadoo lagu amray in aan magaalada lagu arki karin askar hubeysan oo aan ka tirsaneyn ciidamada ammaanka, sidoo kale waxaa la joojiyay in afar askari ka badan aanay wadan karin mas’uuliyiinta lagu ilaaliyo gaadiidka kala duwan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top