WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe“Dowladda Farmaajo waxay ka shaqaysaa Muqdisho kaliya,,-Video

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxdeeda ay ku egyihiin Caasimadda Soomaliya ee Magaalada Muqdisho islamarkana ay indhaha ku hayaan waxyaabihii ka socda kaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Axmed Madoobe ayaa hadalkiisa intaas ku daray in dowladda dhan ay isku koobtan Muqdisho Xildhibaan kasto Wasiir kasto iyo Ciidamada dowlada ay dhamaantood Muqdisho wada joogaan.

Waxa uu ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay Xarumo muhiim ah ka furato Magaalooyinka Maamul Goboleedyada si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan.

Hadalkan ayaa Madaxwey naha Maamulka Jubbaland waxa uu ka jeediyay munaasabadii shalay lagu Caleemo-Saarayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf)

SOMALI NEWS

To Top