WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo hadal aysan ka fileyn ku yidhi Madaxda Galmudug“Horta idinku Heshiiya oo khilaafka iska yareeya,,-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxda Sare maamulka Galmudug in ay ka fogaadaan Khilaaf dhexdooda ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda Galmudug laga doonaayo in ay u shaqeeyaan si wadajir ah ,islamarkaana ay diirada saaran danta guud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ahlusunna iyo Galmudug sidii ay isku raaci lahaayeen dowladda Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal dheer.

Waxaa uu xusay in uusan imaan doonin khilaaf ka dhaxeeya Madaxda Galmudug hadii ay ka wada shaqeeyaan danta guud ,islamarkaana ay ka tagaan danaha Gaarka ah.

 

SOMALI NEWS

To Top