WARARKA SOOMAALI

Daawo- DEG DEG- Diyaarad ku Burburtay Garoonka dayuuradaha ee Muqdisho_SAWRIO}.

Faah faahin ayaa ka soo baxaya diyaarad ay leedahay Shirkadda Bancroft oo goor dhow ku bur burtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Afar qof oo diyaarada saarnaa ayaa ka booday diyaarada, kaddib markii diyaarada ay sameysay degitaan halis

Diyaarada oo lugaha u bixi waayeen, dhowr jeerna ku dul wareegatay ayaa ku bur burtay dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha, halkaasoo ay iminka dhex taalo.

JoWHAR ayaa u suura gashay inay hesho sawiradii u horeeyay ee diyaarada oo ah nooca yar ee loo yaqaano Focker-ka.

Saraakiil ka tirsan Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa sheegaya in diyaarada ay markii hore soo gudbisay farriin deg deg ah, kaddib markii ay lugaha u bixi waayeen, isla markaana shidaalka uu gabaabsi ka ahaa.

Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, ma jiro wax duulimaad ah oo hada ka jira, diyaaradihii ka dhoofi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa ayaa dhamaan la joojiyay.

Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageerta dhinacyada tababarka, la talinta amniga, iyadoo shirkaddan ay leedahay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ee ka qeyb qaata howlaha sugida amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane.

Ma ahan markii u horeysay ee diyaarado ku bur buraan garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee magaalada Muqdisho, dhowr sano ka hor ayay aheyd diyaarad hub siday oo xilli ramadaan ah ku bur burtay garoonka, taasoo ka timid dalka Itoobiya.

SOURCE JOWHAR

 

SOMALI NEWS

To Top