WARARKA SOOMAALI

Qarax lala Eegtay dad Afrurayey oo Toban ruux ku Nafweydey.

Qof qaarigii uu watay ku qarxiyay meel jalaato lagu iibiyo oo ku taalla caasimadda Ciraaq ee baqdaad ayaa dilay ugu yaraan 10 ruux dhaawacyna dad badan oo kale.

Weerarku wuxuu ka dhacay deegaanka ay Shiicadu ku badan yihiin ee Karrada halkaas oo dad badan ay isugu yimaadeen si ay ugu af-furaan markii ay qoraxdu dhacday, sida ay saraakiishu sheegeen.

Kooxda isgu yeerta Dawladda Islaamka oo qoraal soo dhigtay wakaaladdooda wararka ee Amaq ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa shiico isu timid.

Kooxda Dawladda Islaamka ayaa weerarro badan ku qaaday Shiicada oo ay u arkaan in ay gaalo.

Brett McGurk oo ah Ergayga maraykanka u qaabilsan xulafada la dagaalamaysa Dawladda Islaamka ayaa cambaareeyay weerarka isaga oo adeegsanaya barta ay bulshadu ku xiriirto ee Twitterka.

Xarunta jalaatada ee al-Faqma dad badan ayaa ku sugnaaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionXarunta jalaatada ee al-Faqma dad badan ayaa ku sugnaa

“Argagixisada Dawladda Islaamku waxay caawa Baqdaad ku weerartay carruur iyo qoysas wakhti kuwada qaadanayay goob jalaato lagu iibiyo. Waan garab taaganahay Ciraaq oo shayaadiini soo weerareen,” ayuu yiri.

Dawladda Islaamka ayaa sare u qaaday weerarrada ay ka gaysato caasimadda tan iyo markii ay ciidammada Ciraaq oo garab ka helaya xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ay billaabeen ol’ole ay dib ugu qabsanayaan magaalada Mawsil oo waqooyiga ku taalla afar billood ka hor.

SOMALI NEWS

To Top