WARARKA SOOMAALI

XOG:-RW Roobleb oo baajiyey Banaanbax ka dhici lahaa Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble baajiyay banaanbax ay qaban qaabinayeen ehelada Ikraan Tahliil oo ka dhici lahaa Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa shalay Wasiirka amniga cusub ee Xukuumada Cabdullaahi Maxamed Nuur, fasaxay in ay qabsadaan ehelada Ikraan Tahliil, waxa uuna uga digay ciidamada Booliska iyo Nabadsugida in ay is hortaag ku sameeyaan banaanbaxa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa la sheegay in uu baajiyay banaanbaxa si aysan uga dhalan xaalad nabad gelyo, waxa uuna ehelada Ikraan Tahliil iyo dadkii kale ee banaan baxa abaabulayay ka codsaday in dib loo dhigo banaanbaxaasi.

Joojinta banaanbaxan lagu dalban lahaa cadaalad u helida Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in gacanta Hay’adad Nabadsugida ku maqan tahay ayaa kusoo aadaya xili ay socdaan wadahadalo xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaana kasoo horjeestay in banaanbax laga dhigo magaalada Muqdisho, waxaana jirta cabsi laga muujiyay in banaanbaxan la qorsheenayay in uu ka dhaco Muqdisho abuuro isku dhac iyo xasilooni daro.Ra’isul Wasaare Rooble oo baajiyay Banaanbax lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top