WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Qarax xoogan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Marka

Wararka aan ka heleyno degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed  ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhowr toban daqiiqo kahor uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Garaashka Cawaale ee  ku yaalla Xaafada Wadajir ee Marka, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.

Dad ku sugan Marka ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo xiligaas joogay Saldhiga Marka oo ka dhow Garaashka Cawaale.

Khasaaro ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Marka, hayeeshee lama oga inta uu la egyahay khasaaraha, mana jiro faah faahin dheeraad ah oo laga helay qaraxaas dhacay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top