WARARKA SOOMAALI

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray Turkiga oo lasoo manaafurinayo + sababta

Dalka Turkiga ayaa lagu xir xiray ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar kuwaa oo maalmo ay xabsiga ku jireen kadib safaarada Soomaaliya ku guuleesatay in ay xabsiga kasoo deyso.

Booliska magaalada Ankara ayaa 16-kii bishan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shalay oo talaada ah lasoo daayay, iyada oo loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.

Safiirka Soomaaliya ee magaalada Ankara Ambassador Jaamac Caydiid ayaa sheegay in sababta loo xiray ganacsatadan in ay aheyd in dacwad ka gudbiyeen dadka degan xaafadaha ay ganacsiyada ku heesteen.

Waxa uu sheegay Safiir Jaamac in ganacsatadan Soomaaliyeed ku tageen dalka Turkiga Viisooyin isugu jira dalxiis iyo mid ardaynimo, waxa uuna xusay in ay sharci daro tahay in viisooyinkaasi dad ku tagay Turkiga ay ganacsiyo furtaan.

Safiirka waxaa uu sheegay in guddiga Ganacsatada Soomaalida ay u sheegeen in dadka la xirxiray dhowr jeer loo keenay digniino kala duwan lagana dalbaday inay Sharciga wadanka ku joogaan ka dhigtaan mid Shaqo, balse ay ku adkaatay.

SOMALI NEWS

To Top