WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Saraakiil loo xirxiray Afgembigii ka dhacay Suudaan

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sarkaalkii hoggaaminayey isku-dayga Afgembiga.

Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada ayaana ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan Madaxweynihiihore ee hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir, ka dambeeyeen Isku-dayga ay ku doonayeen inay kula wareegaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee Suudaan.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Suudaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Saraakiisha ku fashilmeen inay qabsadaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee ku yaalla magaalladda umudurmaan ee mataanka la ah Caasimada dalkaasi ee Khartuum.

Ciiddan oo watay Gawaarida gashaaman ayaa xilli kooban xireen Buundada Webiga Cad ee isku xira Khartuum iyo Troops, halkaasi oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciiddanka Gaashaman.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top