WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Somaliland oo War cusub kasoo saartay Doorashada Somalia

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Maanta soo saartay Qoraal Wargelin ah oo ku socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Wakiilada Beesha Caalamka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa  lagu sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya, iyagoona Beesha Caalamka u sheegay in aysan waxba ka khuseyn doorashada.

Somaliland ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uga digtay sheegasho ay sheegeen inay tahay been iyo mid khiyaali ku dhisan oo lagu marin habaabinayo Beesha Caalamka.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin in lagu daro doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxweynaha ee ka dhaceysa Soomaaliya, isla markaana aysan waxba ka khuseyn doorashada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top