WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa xalay Shir fogaan aragga ku yeeshay aalada ZOOM-ka.

Shirkaan oo uu guddoominaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa diirada lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Madaxda ayaa isla gartay in la dardar-geliyo bilaabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana la dhameystiro doorashada Aqalka Sare oo weli maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle aysan dhameystirin.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa Warbixino la xiriira doorashooyinka ka dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa Warbixin kasiiyay Gollaha Wadatashiga Qaranka habsami u socodka doorashooyinka dalka, iyo sida loogu baahan yahay in lasoo gabagabeeyo kuraasta hadhsan ee doorashooyinka Aqalka Sare.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top