WARARKA SOOMAALI

XOG laga helay Suudan oo soo dhaweysay Ergayga cusub ee Geeska Afrika

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan Go’aankii uu Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa,  Mussa Faki Mohamed  uu Ergayga cusub ee Geeska Afrika ugu magacaabay Olusegun  Matthew  Okikiola Aremu Obasanjo oo 84-jir ah.

Dowladda Sudan waxay ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan Ergayga cusub ee Geeska Afrika, si loo dhameeyo Khilaafyada u dhexeeya qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Ergayga Cusub oo mar soo noqday Madaxweynaha  dalka Nigeria waxay magacaabistiisa timid, xilli ay Madaxda Midowga Afrika dadaal ku bixinayaan Nabadda iyo Degananshaha Mandiqada Geeska Afrika.

Ergayga cusub ee Midowga Afrika ee Arrimaha Geeska Afrika, Obasanjo waxa uu dhashay bishii March 5-dii ee sanadkii 1937-dii, waxa uu xilka Madaxweynaha hayey sanadihii 1999-kii ilaa 2007-dii.

Waxa kale oo uu soo noqday Hoggaamiyaha Milliteriga Nugeria ee hayey Talada dalkaasi muddadii u dhexeysay sanadihii 1976-dii ilaa 1979-kii.

SOMALI NEWS

To Top