WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Marwada Koowaad ee Dalka oo gaartay Baraawe, kana furtay…

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa.

Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn u qabay adeeg caafimaad oo tayo leh.

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa adkeysay muhiimadda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaashadaan dhismaha iyo agabka kale ee yaalla xarunta oo ah mid casri ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhanka kale, Marwada ayaa uga mahadcelisay howl-wadeennada Hay’adda Saynab Moallim Foundation dadaalka xooggan ee ay ku bixiyeen sidii loo hirgalinlahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay maamulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka geystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Baraawe.

SOMALI NEWS

To Top