WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xal hordhac ah oo laga gaaray xiisadii ka taagneyd Baladweyne

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo kaashanaya Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beledweyne ku sugan ayaa ku guulestay in la dhameeyo xiisadii ka taagneed Beledweyne ee sababtay in ciidamada la magac baxay Badbaadada Hiiraan ay la wareegaan Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulamo lagu dhameeynayo xiisadaasi waday 48-saac ee lasoo dhaafay, isagoo kashanaya Ugaas Yuusuf iyo Odayaasha dhaqanka, waxuuna xalay kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Badbaadada Hiiraan kuwaas oo heshiis hor-dhac ah gaaray isla markaana maanta la dhamestiray.

Shir qaatay muddo saacadaha ah oo Aqalka Madaxtooyada ku dhaxmaray Dabageed, Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ayaa leysku afgartay in ciidamada Badbaadada Hiiraan laga saaro xaruunta maamulka Gobolka aayna saraakiishaasi iyo ciidanka aay wataan dib ugu laabtaan gudashada waajibaadka Qaran.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ciidamadan ayaa kasoo horjeeda safar la sheegay in Magaalada Baladweyne uu ku tegayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxaana Magaaladaas ka dhacay banaanbax, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ay ka jirtay xaalad kacsanaan ah.

SOMALI NEWS

To Top