WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-AMISOM oo ka shirtay xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku  ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

SOMALI NEWS

To Top