WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo Francisco Madeira kala hadlay Arrimo muhiim

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa galabta kulan la qaatay Wakiilka Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Ambasador Francisco Madeira.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Ambassador Madeira ayaa ka wada hadlay Amniga Guud ee Deegaanada Hirshabeelle, qorshaha la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo sameyn lahaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga arrinsaday Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya, Saameeynta fatahaadaha Webiga Shabeelle uu u geystay, iyo doorka Midowga Afrika dhanka horumarinta.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Francisco Madeira ka dalbaday in deegaanada Maamulka laga bilaabo howlgalo Al-shabaab looga saarayo halkaas, isla markaana laga wada shaqeyo amniga doorashada.

SOMALI NEWS

To Top