WARARKA SOOMAALI

Nin weerar halis ah la rabay Aaska Sarkaal ka howlgeli jiray Muqdisho oo la…

Uganda ayaa sheegtay Jimcihii inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsan lahaa aas qaran oo loo sameeynayay taliye sare oo katirsanaan jiray AMISOM oo hogaaminayay weerarkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho sannadkii 2011.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay khamiistii magaalada kutaalla waqooyiga dalkaas ee Pader kasoo qabteen ninka qorsheynayay weerarkan, kaasoo doonayay inuu isku qarxiyo goobta aaska loogu sameynayay Sarreeye Gaas Paul Lokech.

Afhayeenka ciidanka Brigadier Flavia Byekwaso ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in uu ismiidaamiyuhu yahay muwaadin u dhashay Uganda oo lagu magacaabo Katumba Abdul.

Afhayeenka booliisku waxay sheegtay in agabka laga helay ay kamid ahaayeen, bam-gacmeedyo, jaakadaha ismiidaaminta, waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado sida ammonium sulphate, furayaasha iyo taleefannada gacanta ee loo adeegsado in lagu qarxiyo aaladdaha qarxa.

Maj Gen Paul Lokech ayaa ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, isla markaana wuxuu ahaa Sarkaalkii hogaaminayay weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab looga saaray Muqdisho Caasimadda ah ee Muqdisho sannadkii 2011.

SOMALI NEWS

To Top