WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Dowladda Somalia iyo Vietnam?

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa in dib-u -eegis lagu sameeyo iyo in kor loo qaado iskaashiga ka dhexeeya dalka Vietnam iyo wadamada  Afrika ayaa waxaa ka qayb galay Danjire Cawaale Kullane iyo ku-xigeenkiisa Mudane Siciid Jaamac Mire la-taliyaha koowaad ee Safaaradda J.F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Shirkan oo ahaa mid ay uga qayb galeen qaab fogaan arag ah oo ay la yeesheen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Pham Quang Hieu iyo 31 safiir oo ka socda dalalka Afrika ee ku sugan Beijing dalka Shiinaha sidoo kalena ah safiiro dibad joog ah oo ku magacaaban  dalka Vietnam.

Maadaama ujeeddada shirku ahayd in lagu gorfeeyo siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya Vietnam iyo Afrika iyadoo duruufa is -beddelka ku geedaaman yihiin ayuu Danjure Cawaale Kullane ka jeediyay halkaas khudbad ku saabsanayd xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Vietnam, isagoona xooga saaray xariirka ganacsi iyo midka beeraha oo uu sheegay in labda dal iska kaashan karaan.

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kullane  ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto rajo wanaagsan iyo mustaqbal dhalaalaya oo ku saabsan xariirka labada dal ee Soomaaliya ee dalka Vietnam.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sidoo kale ah safiir dibad joog ah oo dowladda Soomaaliya ugu magacaaban safiirka Soomaaliya ee dalka Vietnam, isagoo inta badan ka shaqeeya xoojinta xariirka dalalkaas oo la dareemayo in uu jiro isbadal dhanka cilaaqaadka labada dal ah.

SOMALI NEWS

To Top