WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Nin careysan oo gubay Xarun Caafimaad oo ku taal Gedo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad careesan oo magaaladaasi kunool ay dab qabad siiyeen xaruntii ay ku howlgali jirtay Hay’adad Bisha Cas.

Sida aan wararka ku helnay sababta lagu gubay xarunta Bisha Cas ee magaalada Baardheere waxaa ka dambeeyay nin kamid ahaa shaqaalaha xaruntaasi oo lagu sameeyay shaqo joojin, taas oo keentay in uu weeraro xarunta.

Sawirro laga soo qaaday xarunta ayaa muujinaya bur-bur xooggan oo soo gaaray , dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay damiyaan dabka hasa ahaatee waxa ay ku guul dareestaan daminta dabkaasi inta uusan xarunta bur burin .

Dad uu hogaaminaayay Ruuxa falkan geystay ayaa la sheegay in ay ka dambeeyay gubista xarunta, hore waxaa uu uga tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee Bisha Cas ee gobolka Gedo.

Laamaha ammaanka ayaa wada baaritaanno lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay sida uu Warbaahinta u sheegay Maxamed Ibrahim Salaad oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada dagmada Baardheere.

SOMALI NEWS

To Top