WARARKA SOOMAALI

Dagaalo culus oo weli ka socda Waqooyiga I

Dagaalado oo u dhaxeeya Ciidamada Tigray iyo Xulufada Dawlada dhexe ayaa kusii fidaya qaybo badan oo kamid ah Degaamada Canfarta iyo Axmaarada.

Deegaanada wichale’hayk ilaa mersa’ ayay Dagaalo Culus ku dhaxmarayan Xulufada Dawladda iyo xoogaga Tigray kumanaan dhinacyada Dagaalamayay ayaa ku dhintay Dagaladan labada dhinac ayaana guulo kala sheganaya, Tigray waxay shegeen inay Gacanta ku hayaan mersa’ wichale salula’ hayka.

Sidoo kale Ciidaamda Dawlada ayaa iyaguna sheegay inay khasaare badan soo gaarsiiyen Xoogaga TPLF ee agaas ku sugnaa, iyago sheegay inay Dib uga Qabsaden mersa’ dagaalkuna ka socdo inta udhaxaysa, Waldiya iyo Mersa.

Dhinaca kale’ waxay Dagaalo ka socdaan’ inta udhaxaysa’ Gashena ilaa Debre Tabor’, Ciidamada Dawladu waxay shegeen inay Degamadaas iyagu maamulayan, sido kale Xoogaga Tigray’ waxay shegeen inay Gacanta ku dhigeen’ gashena, Falikit, Debre sabit ilaa Agagarka Debre Tabor, oy Dawladu sheegtay inay maalmo kahor dib u qabsatay.

Degaanka Canfarta ayay Dagaalo adag ku dhaxmarayan Xoogaga Tigray’ iyo Xulufada Dawlada dhexe, Warar kaso Baxaya Tigray’ ayaa sheegaya inay Ciidamadodu maamulayan Degaamo badan oo katirsan Gobalka Canfarta, iyago Qarka usaaran inay Xidhaan Wadada Jabuuti iyo Adis ababa isku xidha.

SOMALI NEWS

To Top