WARARKA SOOMAALI

Xildhibaankii ugu weynaa Baarlamaanka oo goordhow Muqdisho lagu toogtay..

Muqdisho ( HM )-Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Cismaan ilmi boqore oo ka Tirsnaaa Baarlmaanka  Soomaaliya ayaa Kooxo Hubaysan ku dileen  degmadda Kaaraan meel ku dhow gurigiisa.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaadhay goobtaas, iyagoo qaaday meydka Xildhibaanka, iyadoo warar aan la xaqiijina ay sheegayaan in la qabtay dableyda dilkaas fulisay.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin dilkan, waxaana Boqore uu noqonayaa xildhibaankii ugu horeeyey ee sanadkan 2019 lagu dilo magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Dilka Xildhibaanka oo tirsanaa Xisbiga uu Hogaamiyo ee UDP.

Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo  bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan TACSI uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.

Gacan ka gardaran ayaa dishay xildhibaanka ee Ilaahey ha u naxariisto annagane gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo. Amiin Amiin Amiin.

SOMALI NEWS

To Top