WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Maamulka Puntland oo sheegay in Puntland isku tashan doonto-Video

Garoowe  ( HM ) Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi DENI oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka  Puntland ayaa maanta kormeeray Taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo ah halkii lagu aas-aasay  Puntland 1998-dii, waxayna si dhow ugu kuur galeen xaaladda taliska iyo guud ahaanba ciidanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Todobaadkii hore wuxuu xoogga saaray Madaxweynuhu siduu wax badan uga ogaan lahaa ciidamadanka Ilaalada Madaxtooyada oo uu waqti geliyey maadaama ay yihiin xudduntii ciidanka.

Daryeelka iyo tayaynta ciidanka ayaa ah meelaha ay Puntland ka liidatey 20kii sanno ee la soo dhaafay inkastoo ay soo martay marxalado kala duwan oo marba heer joogtey, Wuxuuna siwayn ugu dheeraaday muhiimada Ciidamadu leeyihiin,  Isagoo xusay inay dib u habayb ku samayn doonaan, Iyadoo Puntland ay soo weerareen Cadow kala duwan, Sida uu hadalka u dhigay.

“Dhaqaalaha Beesha Caalamku siiso Soomaaliya ee Amniga loogu talagalay Puntland kama hesho qeybteeda haddii aan arintaas wax laga qaban Puntland wey isku tashan doontaa”. Ayuu yidhi Siciid Deni isagoo dhex taagan Ciidamada Difaaca ee xerada 54-aad ee gobolka Nugaal.

“Waxaa jira Cadow xagjir ah iyo kuwa doonaya inay Wiiqaan Midnimada Soomaaliya,   Puntland waa meesha keliya ee u taagan Midnimada Soomaaliya,  Xaquuqda dadka puntland leeyihiin waa la helo Ciidan ama Shacab” Ayuu Raaciyey hadalkiisa deni.

SOMALI NEWS

To Top