WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf oo sheegay in Dowladda Federaalka ah weerar ku hayso-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in wali aan xal laga gaarin khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya.

Xaaf oo maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda dhexe ay wali dagaal kula jirto maamulka  Galmudug, isagoo tilmaaamay in heshiisyadii la gaaray aanay waxba ka dhaqan gelin dhinaca dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe iyo mid dhanka Taleefoonka ah oo uu dhex maray isaga iyo Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji, aaney wax natiijo ah ka soo bixin.

“Madaxweynaha go’aankii aan ku soo gaarnay Garoowe waxba kama fulin, mid aan Fahad kuwada hadalnay  nairobi waxba kama fulin ilaa hada, waxaad moodaa waxaan dhaq dhaqaaqeyn” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Shacabka ku nool deegaanada Galmudug ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubnidooda, ayna sameeyaan isku tashi, si buu yiri ay uga maarmaan dowladda Soomaaliya oo aan waxba u qaban dadka ku nool gobolka Galgaduud iyo Koofurta Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la tashiyo la sameynaya maamulka gobolka mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo warbixin ka siin doona arrimaha soo cusboonaaday.

Si kastaba, Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa todobaadkii hore sheegay ineysan maamulkooda mataleynin ergo la sheegay iney ka qeybgashay shirkii dhab u heshiisiita ee uu soo xiray Ra’iisul Wasaare Khayre, wuxuuna tilmaamay in dadka ka qeybgalay ay iska keensatay Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo 26-kii bishii hore ka qeybgalay caleema saarka Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay madaxda maamul goboleedyada, waxaana lagu balamay in bisha soo socota bartameheeda shir looga hadlayo xalinta khilaafyada jira lagu qabto Garoowe, iyadoo aan la ogeyn saameynta hadalka Madaxweyne Xaaf.

 

SOMALI NEWS

To Top