WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Murugada iyo Xanuunka qaraabadii uu ka baxay Xildhibaankii xalay Muqdisho lagu dilay-Video

Muqdisho (HM ) Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa lagu dhex dilay guri uu ka dhisanayay xaafad isku Raran ah oo ku taala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana xiliga la dilayay la sheegay inuu lacago u qeybinayay shaqaalaha dhismaha.

Qaar kamid ah dadka degen xaafadda uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa saaxiibadooda gaarka ah, islamarkaana uu wax badan u qabtay qaar kamid ah shacabka uu la noolaa.

Waxay sheegeen in xildhibaanka uu shalay yimid inuu kormeer ku sameeyo dhismaha guri uu isaga lahaa oo looga dhisayay isla xaafadda dhexdeeda, waxaana la sheegay inuu xiligaasi lacag u qeybinayay shaqaalaha dhismaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay labo ruux oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, Waxaana Dawladdu sheegtay in kiiskaas aan laga hadhi doonin lagu raad joojo kuwo kale,isla markaana eedeysanayaasha loo soo qabtay dilkaasi la horgeeyn doono Cadaaladda.

SOMALI NEWS

To Top