WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kornayl Caare oo Soomaliland ugu baaqay in ay Ciidankeeda kala baxdo Tukaraq-Video

Laascaanod  (HM) Kornayl Caare Hogaamiyaha Jabhadda Hubaysan ee ka goostay Somaliland, ayaa soo Bandhigay Ciidamo cusub oo kusoo biiray Jabhadiisa.

Caarre ayaa sidoo kale Ciidamada ku sugan Jiida Tukaraq ee gobolka Sool ugu baaqay inay isaga baxaan Halkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Nin Hargeisa ka yimid Guri ka dhisan maayo Tukaraq,  oo Nin kale ayaa iska Leh, Maaha meel uu Qof ku dhinto oo waa Tuulo yar, Waxaan idiinku baaqayaa kasoo baxa Dulmiga aad ku Jirtaan” Ayuu yidhi Kornayl Caarre.

Dhinaca kale Wuxuu ka hadlay Dhalinyaro dhowaan la geeyay Galbeedka hargeisa, Kuwaasi oo loo Furayo Tababar Ciidan ” “Dhalinyaradii Wax la baray ee Jaamacaddaha ka baxay Muuse Wuxuu doonayaa inuu dab ku shido iyo dagaal aan dhammaan” Ayuu yidhi Caarre.

SOMALI NEWS

To Top